AKHRISKA, BAADHISTA IYO AQOONDHISKA: Tusaalayn iyo Tibaaxbixin | CABDICASIIS GUUDCADDE

Cabdicasiis Guudcadde waxa uu kulankan kaga hadlayaa mudnaata ay  akhriska iyo baadhistu u leeyihiin aqoondhiska qof iyo bulsho. Kulankani  waxa uu ka mid ahaa kulan aqooneedyadii la socday bandhiggii buugta  Baraarug ee Hargaysa ka qabsoomay Jan 2018.   Bandhigga #BuugtaBaraarug oo ay fulisay Madasha Baraarug waxa uu daahfur iyo bilaw u ahaa silsilad bandhigyo buugeed oo madashu qorshanayso in ay fuliso. Halkan ka daawasho: https://www.youtube.com/watch?v=AACzITFR5hM&list=PLAo8C7v1VHrVbTDWvv9TZtnzppEC3Kh0R&index=2&t=1s

Om Podcasten

Madasha Baraarug waxa ay agaasimtaa bandhigyo buugeed hadafkoodu yahay buugaag tayo leh in uu ka helo akhristaha Soomaaliyeed. Bandhigyadan oo si joogto ah u qabsooma, waxa ka baxa cashirro/muxaadarooyin aqooneed oo muq leh. Halkan ayaadna ka dhagaysan kartaa cashirradaas.